War-Murtiyeedka Shirka Horumarinta Dhalinyarada iyo Haweenka Gobalka Banaadir 2022

Shir sanadeedka 2aad ee Gobalka Banaadir kaa oo looga hadlayey arrimaha horamarinta Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa lugu qabtay Muqdisho inta u dhaxeysay 22-23-da bisha November, 2022. Shirka waxaa looga dooday caqabooyinka iyo xal u helidda shaqo abuurka dhalinyarada, ka qeyb-galka haweenka siyaasadda heer Federal, heer gobal iyo heerka dowladaha hoose, caqabadaha caafimaad ee ku gedaaman isticmaalka maandooriyaha iyo daawooyinka saameynta ay ku yeelan karaan bulshada deggan Gobalka Banaadir.

Shirka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay siyaasadda u qareemidda iyo awoodsiinta haweenka oo ay soo Bandhigtay Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS, siddo kale waxaa uu maamulaka Gobalka Banaadir soo bandhiggay Siyaasadaha horumarinta Haweenka iyo Dhalinyaradda Gobalka Banaadir.

Guud ahaan shirka waxa uu kusoo dhamaaday jawi guul ah waxaana ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran:

1. Shirka waxa uu bogaadiyay ahmiyadda uu maamulka Gobolka Banaadir siiyo arimaha horumarinta haweenka iyo dhalinyarada gaar ahaan sida uu Maamulka sanadkaan shirweynaha ugu soo daray Dhalinyarada

2. Ka soo qeygalayaasha iyo khubaradii ka qeyb galay dood-cilmiyeedadii intii uu socday shirka waxay soo jeediyeen in xoogga la saaro kor u qaadista aqoonta xirfadaha dhalinyarada iyo haweenka si ay u helaan fursado shaqo

3. In loo sameeyo dhalinyarada iyo haweenka MADALLO ay ku xiriiraan, isla markaana la maalgaliyo haweenka iyo Dhalinyarada si loogu abuuro fursado shaqo oo u sahlaya in ay qeyb ka noqdaan hormarka dalka

4. Si looga baxo caqabadaha haysta haweenka iyo dhainyarada shirka waxa uu garwaaqsaday in mamulka Gobolka Banaadir heer gobol iyo heer degmo laga sameeyaa doorashoyin qof iyo cod ah oo lagu dhiso maamul, ahmiyad gaar ahna la siiyaa haweenka iyo dhalinyarada,

5. Shirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedaha in Is badalka iyo awoodsiinta haweenka in uu ka soo biloowdo guryaha oo ay waalidku ku dhiiragaliyaan in gabdhaha ka qayb qaataan horumarinta dalka

6. Shirka waxa uu soo jeediyaya in haweenka iyo dhalinyarada muujiyaan midnimo, isku-tashi, hormuud u noqoshada nabad ku soo dabaalista dalka iyo barwaaqo gaarsiinta dalka iyo dadka soomaaliyeed

7. Shirku waxaa uu iftiimiyay in wadanka shuruuc lagu xakameeyo maandooriyaha iyo daawooyinka aysan jirin sidoo kalana ay Meesha ka maqanyihiin xarumo dhaqancelin ee la geeyo dadka isticmaalaha maandooriyaha oo ay dawladu leedahay

8. Shirku waxa uu soo jeediyay in doorka ururada bulshada rayidka ee ku aadan ka hortaga iyo xakameynta maandooriyaha, la xoojiyo lana sameeyo wacyigelin bulsho oo balaaran

9. Shirku waxa uu soo jeediyay in bahda waxbarashada dalka ay sameeyaan wacyigalin balaaran oo ka dhacda goobaha waxbarashada si looga hortago isticmaalka maandooriyaasha kala duwan.

10. Shirku wuxuu soo jeediyay in xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ay xaqiijiso ka qeybgalka haweenka iyo dhalinyarada siyaasadda dalka guud ahaan lana diyaarsho siyaasadaha iyo habraacyada sahli kara gaarista yoolkaasi.

11. Shirweynuhu waxa uu bogaadiyay daahfurka barnaamijka Qaran ee shaqo abuurka dhalinyarada ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JS Md: Xasan Sheikh Mohamuud 27 kii May ee sanadkaan waxa uuna shirweynuhu ku baaqay in hey’adaha ay khuseyso barnaamjikaasi ay guda galaan fulintiisa.