wasaaradda dhalinyarada oo maanta daah furtay mashruuc shaqo abuur u ah dhalinta Gobalka Banaadir

???????????????????????????????Munaasabadani lagu daafurayey wajiga 3aad ee barnaamijka isbadalka dhalinyarada Soomaaliyeed , kaasi oo dhalinyaro gaareysa 186 lagu bari doono qaybaha kala duwan ee Ganacsiga lagana soo kala xulay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay siihayaha xilka wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Gudomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banaadir iyo marti sharaf kale
Mashruucan oo loogu magac daray dhib soo celinta dhalin yarada Soomaaliyeed ayaa waxaa fulinaya hay’dda shaqaalaha aduunka ee magacadeedda loosoo gabiyo ILO iyadoona dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dowlada Japan ,
Kulanka ayaa ugu horeyn ka hadlay Gudomiyaha dhalinyarada gobalka banaadir Md Abdikafi Mohamuud Makaraan oo ugu baqay dhalinyarada in ee Janis u tahay in ee ka fa ideystaan fursadaan lana qaldi Karin madama ee wax barteen
Siiyaha xilka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya mudane Qaalid Cumar Cali , oo soo xeray barnaamijkan ayaa tilmaamay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah laf dhabarka bulshadda isagoona kula dar_daarmay inay ka faa’iideystaan
Marshuucan ayaa qayb ka ah barnaamijyo mudooyinkii dambe ka socday magalada Muqdisho oo xirfado shaqo loogu sameynayo dhalinta Soomaaliyeed.

Gudomiyaha dhalinyarada gobalka banaadir