Wasiirka Dhalinyarda & Gudomiyaha Gobolka Benaadir ayaa si wada jir ah u furay tartanka orodka

Wasaarada Ciyaaraha iyo Isportska ee Xukuumada Fedraalka Soomaaliya oo kaa shaneysa Maamulka Gobolka Benaadir iyo Xiirirka Olympics Soomaaliyed ayaa waxey maanta si rasmi ah u fareen tartan oroda ah oo lagu maamuusaaye 6 April oo ah maalinta caalamiga ah ee Ciyaaraha iyo Nabadda aduunka iyo sidoo kale maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyed waxaana furitaanka tartankani oo goob jog ka ahaay Orodyahanka Soomaaliyed ee Cabdi Bile Cabdi,

357 dhalinyara ah oo matalaye 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir iyo xirrirka Olympics ayaa ka qeyb galay tartankani iyagoo ordayay masaafa gaareysa 3Kiilo mitir oo isku xirta Isgoosyada Number Afar iyo Daljirka Dahsoon iyadoo uu kaalinta koobad ku guulestay Orodyan Cali IIdow Xasan oo kamid ahaay dhalinyarada maanta ka qeyb gashay Tartanka Muqdisho Mini Maradon,

Orordyahanka Soomaaliyed ee Cabdi Bile Cabdi oo ah shaqsigii ugu horeeyay ee isagoo matalaya magaca Soomaaliya ku guulestay tartanka ororadada aduunka xiliyadii birisamaadki ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ay mudan yihiin garab istaag dhab ah,

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlada Soomaaliyed Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankani oo qeyb ka yahay barnaamijyada ay wasaarada ku dhiira galineyso nabadda iyo Sportska,

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Abdirahman Omar Osman – Eng. Yarisow waxa uu sheegay in hormarka iyo xasiloonida ay kujirto gacanta umuda Soomaaliyed loona baahan yahay in qofkaste uu qaato doorkiisa,

Dhor iyo labaatan sano kadib waa markii ugu horeysay oo tartankani lagu qabto magaalada muqdisho iyadoo tartankani oo qeyb ka yahay dhiira galinta isdhaxgalka bulshada iyo ciyaaraha,