Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay shirka Wasiirrada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dalalka islaamka ah.
Ugu danbeyntii, wasiirka oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa ugu baaqay dalalka islaamka ah qorshe midaysan oo lagu wajaho khatarta xagjirnimada iyo argagixisada, sidoo kale wasiirka ayaa caddeeyay in halista ugu badan argagixisadu ku hayso dalalka islaamka, sidaas daradaadeed ay muhiim tahay in lala yimaado qorshe loo wada dhan yahay oo midaysan.