XAFLAD LAGU TAGEERAYO MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAHAMED ABDULLAHI (FARMAAJO)

Xaflad lagu taagerayo madaxwaynaha JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinimadii shalay lagu qabtay magaalada moqdisho.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarda gobalka banadir ayay ahayd mid si heer sare loo soo agaasime isla markaana ay ka soo qayb galeen inkabadan 500 Dhalinyaro kakala socday 17 Degmo ee gobalaka bandir waxaana lagu casumay xildhibaanda dhalinyarada ah oo ka mi ah labda Aqal ed baarlamaaka soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobalaka banadir Mudane Cabdikafi maxamuud makaraan ayaa ku soo dhaweeyay madaxda iyo dhalinyarada iskugu timid wuxuuna cadeeyay ujeedada taageerada inay tahay inay dhalinyarada garab istagaan madaxda cusub ee dalka sidoo kale waxaa uu dalbaday in loo sameeyo qodob khuseeya dhalinyarada sharciga dalka udegasan.

Xildhibaan Cabdifitaax qaasim iyo Xildhibaan fartuun Cabdiqaadir Faarax oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaliyed in ay u istaagan midnimada iyo hormarka dalka,,

Wasiir kuxigeenka wasarada Warfaafinta Cabdullahi colaad rooble oo ka mid ahaa xildhibanda ka soo qayb galay ayuu sheegay taageerada farmaajo in la dhameystiri dono ka dib markii uu natuso waxqabadkiisa mustaqbalka dhow dhalintana kadalbaday inay sii wadaan taageerada dawlada wuxuuna balan qaaday inay matali doonaan dhalinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Kusimaha gudoomiyaha Gobalka banadir Ismacil Guure ayuu asna halkaas kajeediyay khudbad qiira leh, Wuxuuna umhadceliyay dhalinta Gobalka banadir sida ay isku xilqaameen isla markaana ay umuujiyeen taageeradooda Ku aadan Madaxwaynaha Soomaaliya.

Ugu dambayntii madaxwaynaha waxaa laga codsaday inuu soo magacaabo Raisul wasaare iyo Xukuumad tayo leh.