YAA SAHMIYA GUUSHA?!! (Faallo)

Cabdinuur Faarax Maxamud

Guushu kuma timaado dadal la‘aan haddii aad aragto bina’ aadam guulaystay ama shaqsi guulaystay wax kastaba ha ku guulayste dabcan dadaal kadib ayuu guusha gaaraa Soomaalidu waa tii ka mahmahday oo tiri (dadaal gaari doontidee) sidookale (xaglo laaban xoolo kuma yimadaan) waa tii Soomaalidu tiri dadaalku waa kobcinta nolosha bina, aadamka..

Habka wanagsan ee, uu leeyahaay qofku wuxuu samayn ku Yeesha hab dhaqanka qofka kale ee saxiibka la`ah qofka wanagsani wuxuu toosiyaa tusaalenna u noqdaa isku xirka Qoysas qaraabo ama qoomiyaado kala duwan

Isku xirnaasho

Isku xirka hab noloeedka toosan ee bina.aadamku waa mid isku xiraan sida xubnaha qofka qoys qoomiyad ama Qaran) waxaadna ka dareemi kartaa haddii uu qoyskaagu hagasan yahay waxaad hagaajin kartaa qoysas badaan oo tusaale ayaad u noqon kartaa ay qaataan..

Samaynta xuman ama wannaag

Qofka ama qaranku wuxuu saamayn buuxda ku yeeshaa dhammaan inta uu gaari karo ama uu, oodwadaag daris ama Ehel layahay xumaan ama wannaag wixii aad leedahay waxaad ku talaali karta dhamman bina’ aadmka intiisa kale ee” aad Gaari kartiid ama, aad dariska la tahay (Mahmaah) Soomaaliyeed Ayaa ahayd (dariskaa Wixii ,aan cadaan iyo madoow ahayn waa ku galiyaa) micnaha midabka moyee wixii kale waa laga badali karaa ama waad badali kartaa…

Kobcinta Bulshada

Bulsho hormarinta oo barwaaqoda waxay guul uu tahay qaranimo buuxda oo ay ummaddi hesho Fekerka fiicani wuxuu kayimada shaqsi ama koox wuxuuna ku faafaa Qaruumaha aduunka wuxuuna siijiraa qarniyaal badaan u fiirso ninkii sameyey Diyarad wuxuu aduunka oo dhan uga tagay wax bina`aadamka afaca ninkii sameeyey Kumbuyuutarka)wuxuu dunida ku soo kordhiyey adeeg afacay bulshada oo dhan.

Dhisida dhidibada loo taago bulsha aqoon leh

waxay sal dhig unoqotaa Qaran leh awood dhaqaale dhaqaan suuban Cilmi & Cudud ciidaan sidookale-na bulshadaas waxay sabab u noqotaa ama asaas u noqotaa

Helida qaraan ku dhisan daacadnim cadaallaad iyo kala dambayn qodo dheer waxayna dareen wadareed ku yeeshaan dariskooda & bina,aadanka kaleba tusale haddii dhulka Soomaaliyeed nabad yahay waxaa nabadu gaari kartaa dhamman dariskeena..

Yaa sahamiya guusha?

Dhammaan guulaha noocaasa ama guul daradu waxay ka Bilaabataa shaqsiyaad yar oo ka dhex kacaa bulsho waynta ku Nool dal ama qaaraad waxayna la kulmaan cadaadis iyo cadoow badaan oo ka soo horjeeda fikirka fiicaan laakiin ugu dambayntii waxaa guushu raacdaa kuwa wanaag doonka u fiirso qaran walba oo guulayta waxaa hurmuud u ah shaqsiyaad kooban..

Soosaaridda ummadd wanaagsan kuma imaankarto sahal waana in loo halgamaa haddii aad aragto qaran) hormaray ku feker inaan bilaasha ama sahal lagu hormarin ee ogow in loo soo halgamay.

Qaran jabay maxaa laga dhaxlay?

Qaran jabkii qarankeenii Soomaaliyaad waxaan ka dhaxalay dhaqan xumo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed aan sal lahayn qaraxyo aan qiilahayn khaad aan quud lahayn iyo ugu dambayntii magaca qoxootinimo.

Ugu dambantii ummadeennu waa inay fahmaan inay abuuri karaan xasilooni inay abuuri karaan kalsooni iyo kala dambayn waa inaan ku fekero inaan la midnahay ama ka fiicanahay ummaddaha hormaray laakiin waa inaan ogaano inanaan isticmaalayn maankeenna aqoonteenna iyo kartideenna haddii aan amino inaan wax qaban karo dhulkeenna hooyana aan ku soo dabaali karo xasiloono iyo barwaao ogow waan awoodnaa.

W/Q Cabdinuur Faarax Maxamud

EMail-guuleed72@hotmail.com